Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw ayaa yiri: "Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ay...
Xadiis Saxiix ah
Xadiis la isku waafaqay

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofk...
Caa'isha -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Qofka la yimaada wax aan diinte...
Xadiis Saxiix ah
Xadiis la isku waafaqay

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka ku soo dara diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil kita...
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Maalin anagoo Rasuulka Ilaahay scw la fadhina ayaa waxaa nagu soo baxay nin dharkiisu aad u cad...
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Muslim

Cumar Binu Khaddaab wuxuu sheeegay in malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaate wuu ugu yimid asaxaabta isagoo u eg nin aanay garanayn, sifooyinkiisa...
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiiye wuxuu yiri- wuxuu dhahay: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-:...
Xadiis Saxiix ah
Xadiis la isku waafaqay

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan...
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariye inuu yiri: Nabiga ayaan la fuushanaa dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og t...
Xadiis Saxiix ah
Xadiis la isku waafaqay

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay adoomada, iyo xaqa adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay k...

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida. Nabigu scw tusaaluu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey qofka u niyeysta hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, qofka hijradiisa u niyeysta inuu nafac aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo dumar uu guursado hijradiisa kama helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.
Hadeeth details

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka ku soo dara diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil kitaabka iyo sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.
Hadeeth details

Cumar Binu Khaddaab wuxuu sheeegay in malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaate wuu ugu yimid asaxaabta isagoo u eg nin aanay garanayn, sifooyinkiisana waxaa ka mida in dharkiisu aad u cadaa, timihiisuna aad u madoobayeen, wax raad safar ahina aanu ka muuqan, sida daal, boor, timo basaas iyo dhar wasakha, dadka meesha joogna aanay aqoon, oo Nabiga scw ay la fadhiyaan, wuxuu soo fariistay Nabiga scw hortiisa, sidii qof wax baranaya oo kale, wuxuu waydiiyey Islaamka, wuxuuna ugu jawaabay Nabigu scw Arkaantaas ka kooban qirida labada shahaado, ilaalinta salaadaha shanta ah, sakada oo la siiyo kuwa xaq u leh, soonka bisha ramadaan, gudashada xajka qofkii awooda. Wuxuu yiri ninkii su'aasha waydiiyey Nabiga scw: "run baad sheegtay ", way la yaabeen asaxaabtu su'aashiisa la moodo inuusan aqoon lahayn sida muuqata, ka dibna uu u rumaynaayo. Ka dib wuxuu waydiiyey iimaanka, Nabigu scw wuxuu ugu jawaabay: arkaanta lixda ah ee ka kooban rumaynta jiritaanka Ilaahay, sifooyinkiisa, ficilkiisa oo uu kali la yahay sida abuurada, cibaadadiisa oo uu kali la yahay, iyo malaa'igta uu Ilaahay nuur ka abuuray oo ay yihiin adoomo Ilaahay maamuusay oo aan Ilaahay ku caasin, oo amarkiisa ku shaqeeya, iyo rumaynta kutubta Ilaahay ku soo dajiyey rusushiisa, sida Qur'aanka, Tawreed, Injiil, iyo qayrkood, iyo Rususha gaarsiinaysa Ilaahay diintiisa, waxaa ka mida Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise, waxaa u danbeeyey Maxamed scw, iyo Nabiyo iyo rusul kale, iyo rumaynta maalinta qiyaamaha, waxaana soo galaya waxa geerida ka dambeeya ee ah qabriga iyo nolosha barsakha, iyo in dadka la soo saari doono geerida ka dib, lana xisaabin doono, oo uu ku dambayn doono Janada ama Naarta, iyo rumaynta inuu Ilaahay qadaray wax kasta sida Ilaahay cilmigiisa ku horaysay oo ay keenayso xikmadiisu iyo qoridiisu oo isagu doonay, iyo in wax walba u dhici doonaan sida Ilaahay u qadaray oo uu u abuurayo Ka dib wuxuu waydiiyey ixsaanka, wuxuu u sheegay: inuu ixsaanku yahay qofka oo u caabuda Ilaahay sida inuu u jeedo, hadii qofka iimaankiisu uusan darajadaas gaarin ha u caabudo sidii in Ilaahay eegaayo, waayo waxaa horeeya darajada eegista ah oo saraysa, tan kalena waa darajada muraaqabada. Ka dib wuxuu waydiiyey saacadu waa goorma? Nabigu scw wuxuu u cadeeyey in saacada ogaanteedu ay ka mid tahay waxa Ilaahay kaligi og yahay oo cid khalqiga ka midihi aysan ogayn kan la waydiiyey iyo kan waydiinayaba ma oga. Ka dib wuxuu waydiiyey calaamadaha saacada? wuxuuna cadeeyey Nabigu scw inay calaamadaha saacada ka mid tahay badashada dumarka adoomada ah iyo caruurtooda, ama curuurta oo hooyadood caasi ku noqda, waxayna ula dhaqmaan sida adoomada, iyo kuwa ari raaca ah iyo kuwa saboolka ah waxaa loo waasicin aduunyada, aakhiru samaanka, markaas ayey iskugu faanayaan qurxinta guryaha iyo dhisidooda. Ka dib wuxuu Nabigu scw wuxuu u sheegay intii la fadhiday oo Cumar ka mid ahaa inuu kan su'aalaha la yimid ahaa Malaku Jibriil oo u yimid inuu asaxaabta diintaan xaniifka ah baro.
Hadeeth details

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku shabahay diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed scw una hogaansan. Tiirka labaad: waa salaada oo la oogo, waana salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka: waa fajarka, duhurka, casarka, maqribka iyo cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka sadexaad: waa bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka shanaad: waa soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku cibaado, laga bilaabo waqtiga fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Hadeeth details

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay adoomada, iyo xaqa adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay adoomada waa inay caabudaan kaligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna la wadaajin Mucaad ka dib wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaas? Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.
Hadeeth details

Mucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaade wuxuu ahaa mid Nabiga scw gadaashiisa la fangashan neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadoow? wuxuuna ku cel-celiyey dhawaqaa saddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada waxa uu ku oron doono. Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (ku ajiibay hadan ku ajiibay Rasuul Ilaahayow, farxadi ayey ii tahay ajiibidaaduye). Nabigu scw wuxuu u sheegay qof qira in Allaha xaqa ah maahee ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahaybaa ka xarimaya naarta. Mucaad baa waydiiyey Rasuulka scw inuu ugu bishaareeyo dadka warkaa, si ay ugu farxaan oo u bishaaraystaan khayrka. Rasuulku scw wuxuu ka cabsaday inay is dhigtaan oo camalka wanaagsan yaraystaan. Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.
Hadeeth details

Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka dhaha isagoo carabkiisana kaga dhawaaqaya:(laa ilaaha illa-llaah), macneheeduna yahay: majiro ilaah xaq lagu caabudo oo Ilaahay ahayn, oo iska diida waxa Ilaahay sokadii la caabudo, kana bari noqda diimaha aan islaamka ahayn oo dhan, qofkaa Ilaahay wuu ka xarimay muslimiinta, maalkiisa iyo naftiisaba, camalkiisa muuqda mooyaane wax kale daymon mayno, maalkiisa la xoogimaayo, dhiigiisa la daadin maayo, inuu danbi ama jariimo galo ay waajibto in dhiigiisa la daadiyo iyado axkaanta islaamka waafaqsan mooyee. Ilaahay baana maamulaya xisaabtiisa maalinta qiyaamaha, hadduu runlow ahaa isagaa ka ajar siin, hadduu munaafaq noqdana isagaa cadaabin.
Hadeeth details

Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida janada, midna waajibinayso galida naarta ? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.
Hadeeth details

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxa Ilaahay u waajibay ee ay tahay in kaligi lagu caabudo qofkii cid kale u leexiya, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cid Ilaahay ahayn oo uu gar-gaar weydiisto, qofkaasi haduu sidaa ku dhinto naarta ayuu galayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada.
Hadeeth details

Nabigu scw markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yaman isagoo daaci iyo macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo iyaday Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan salaada wuxuu amrayaa kuwooda xoolaha leh inay bixiyaan sakada xoolahooda siiyaana ku wooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.
Hadeeth details

Nabigu scw wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa maalinta qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: (Laa Ilaaha Ilaa Allah) majiro mid xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.
Hadeeth details

Nabigu scw wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal laqabto, caqiido, hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: (laa ilaaha Illa-llaah), waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay u taagan tahay, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligii, wax kalana aan lala wadaajin. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah dariiqa dadku marayaan. Rasuulku scw ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.
Hadeeth details