, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw waxaa lagu yiri: rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada maalinta qiyaame? wuxuu yiri Rasuulku:(dhab ahaan waxaan filayey Abaa Hureyrow in aanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid xadiiska, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Albukhaari
Sharaxaad
Nabigu scw wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa maalinta qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: (Laa Ilaaha Ilaa Allah) majiro mid xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.