Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu yiri: (Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo waawayn oo buur buuran?) waxaan niri: haa. wuxuu yiri: (Saddex aayadood oo midkiin ku akhriyo salaada ayaa uga kheyr badan saddex halaad oo waawayn oo buur buuran).
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Muslim
Abii Dar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu dhahay: Nabiga scw ayaa igu yiri: " Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto walaalkaa waji furan."
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Muslim
Jaabir Binu Cabullaahi-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri: "Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, wuxuuna gaarsiisay inay dhiigooda daadiyaan oo wixii Ilaahay ka xarimay xalaashadaan."
Xadiis Saxiix ah
Waxa wariyay Muslim
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey inuu yiri: "Allaha nafta Maxamed gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee qofka i maqla ee ummaddaan ka mid ah yahuudi ama nasraani-kuu doonaba ha ahaadee-, ee dhinta isagoon rumayn xaqa la ila soo diray wuxuu ahaanayaa kuwa naarta gala".